Isniin, June 28, 2010 (HOL) − Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Ex-koontarool Afgooye oo Magaalada Muqdisho kaga beegan Koonfureed.
Ciidamadan ayaa waxay isku khilaafeen qaabka loo ururinayo lacago laga qaado gaadiidka halkaas mara, waxaana intii aysan rasaastu bilaaban lagu xayiray Isgoyskaas gaadiid waday rakaab ku socday Muqdisho.
Goobjooge ka mid ahaa dadkii halkaas ku xayirmay ayaa u sheegay HOL in ciidanka ay isweydaarsadeen rasaas kooban ayna iska dileen laba askari, kuwaasoo ka mid ahaa ciidamadii halkaas ku sugnaa, isagoo sheegay inay san jirin wax khasaare kale ah oo uu arkay.
Dagaalka kaddib ayaa la sheegay in xaaladdu ay noqotay mid caadi ah, waxaana koontaroolka lagu dagaalamay isticmaala gaadiidka ka shaqeeya deegaannada loo barakacay iyo Muqdisho, kuwaasoo soo qaada maalin walba dad u soo shaqo taga Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dagaallo u dhexeeyay ciidamada Dowladda oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay askar iyo dad kale oo shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo fara badan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkii hore ka dalbaday Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya inay ka hortagaan iskudhacyada dhexmara ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo sababa khasaare nafeed oo kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Iskahorimaad khasaare sababay oo Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Bar-koontarool
More News
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magacaabay xubno lagu kordhiyay Guddiyadii Dastuurka iyo Anshaxa Baarlamaanka
- Maamulka Gobolka Mudug iyo Ganacsatada Degmada oo Isku khilaafsan Isticmaalka lacag lagu Qabtay Garoonka Galkacyo.
- Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljameeca oo sheegtay inaysan ku qancayn wax ka yar wasiirradii ay heshiiska kula galeen Dowladda Soomaaliya
- Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka oo Maamul Cusub u Magacowday Degmada Hoosingow ee Gobolka J/hooose.
- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ku yeelanaya kulan Muqdisho kana doodaya xeer-hoosaadka Baarlamaanka
- Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islama oo ku dagaalamay gacan ku haynta Tuulada Haakow oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn