Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ku yeelanaya kulan Muqdisho kana doodaya xeer-hoosaadka Baarlamaanka

Isniin, June 28, 2010 (HOL) − Baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku kulmaya xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho iyagoo kulankan kaga doodaya xeerar hoosaadyada Baarlamaanka iyo dhismaha Guddiyada hoosaadyada Baarlamaanka.

Kulammada Baarlamaanka oo furmay shalay ayaa waxay Xidhibaannadu kaga doodeen xeerarka hoose ee Baarlamaanka iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlay isbadal lagu sameeyo xeerarka iyo dhismaha golahayaasha hoose.

Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir ayaa kulannkii shalay ka sheegtay in marka hore isbadal lagu sameeyo xeerarka Baarlamaanka, kaddibna la dhiso guddiyada hoose, iyadoo sheegtay in guddiyada la doonayo in sharciga loo cuskado.

Inta badan mudanayaashii ka hadlay kulanka shalay ayaa sheegay in la hormariyo isbadalka lagu sameynayo xeerarka Baarlamaanka, ka hor inta aan la dhisin guddiyada hoose oo tiradoodu gaarayso 27-guddi.
"Guddoomiyaha Baarlaamanka waxaan u soo jeedinayaa inuu annaga noo diro inaan soo sameysanno guddi hoosaadyada, iyadoo inta howshaas aan ku gudo jirno isbadal lagu sameeyo xeerarka hoose, kuwaasoo lagu sameeyay Baydhabo" ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta kulanka ka qaybgalaya ayaa kusii qulqulaya xarunta Golaha Shacabka iyadoo ay ammaanka sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isgarabsanaya.

Xildhibaannada qaarkooda ayaa doodahooda ku daray in marka la gaaro xilliyada salaadda la joojiyo kulammada, loona ogolaado Xildhibaannada inay soo tukadaan maadaama ay dhammaantood yihiin Muslimiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya