Isniin, June 28, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta shir-guddoominayay kulan ay Xildhibaanndu ku yeesheen Golaha Shacabka ayaa magacaabay laba guddi oo ka kooban 15-xubnood kuwaasoo la shaqeynaya guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyo Guddiga Xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Magacaabidda guddiyadan ayaa timid kaddib markii doodihii ku saabsanaa Isbadal lagu sameeyo xeer hoosaasyada Baarlamaanka oo shalay iyo maanta ay ka doodayeen Xildhibaannada la isku afgaran waayay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulana la qaatay labadiisa guddoomiye ku xigeen ayaa go'aankan qaatay, wuxuuna sheegay in xubnahan ay labada guddi kala shaqeyn doonaan soo diyaarinta ajandayaal ku saabsan isbadal lagu sameeyo xeerarka Baarlamaanka iyo Dastuurka.
Xildhibaannada lagu daray Guddiga Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Cumar Islow Maxamed, C/rashiis Maxamed Axmed, Sheekh Soomow, Cali Sheekh Maxamed Nuur, Saalax Ismaacil Saqaawe, Caasho Cabdi Sheekh iyo Saynab Maxamed Caamir.
Sidoo kale Xildhibaannada la shaqeynaya Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee baarlamaanka ayaa waxay iyaguna kala yihiin: Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf, Abuukaate Cali Muumin, Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax), Maxamed Maxamuud Xayd, Muuse Nuur Amiin iyo Maryan Sheekh Cusmaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu sheegay in xubnaha ay aqoon wanaagsan u leeyihiin howlaha labada guddi ayna ka dhowrayaan inay go'aanno kasoo saaraan doodaha ku aaddan in isbadal lagu sameeyo xeer hoosaadka iyo Dastuurka.
Kulanka soo socda ee Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu qabsoomi doono Sabtida soo socota, iyadoo Xildhibaannadii maanta fadhiga ka qaybgalay oo gaarayay 290-xubnood iyo kuwa maqanba loogu baaqay inay kulankaas kasoo qaybgalaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magacaabay xubno lagu kordhiyay Guddiyadii Dastuurka iyo Anshaxa Baarlamaanka
More News
- Iskahorimaad khasaare sababay oo Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Bar-koontarool
- Maamulka Gobolka Mudug iyo Ganacsatada Degmada oo Isku khilaafsan Isticmaalka lacag lagu Qabtay Garoonka Galkacyo.
- Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljameeca oo sheegtay inaysan ku qancayn wax ka yar wasiirradii ay heshiiska kula galeen Dowladda Soomaaliya
- Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka oo Maamul Cusub u Magacowday Degmada Hoosingow ee Gobolka J/hooose.
- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ku yeelanaya kulan Muqdisho kana doodaya xeer-hoosaadka Baarlamaanka
- Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islama oo ku dagaalamay gacan ku haynta Tuulada Haakow oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn