Maamulka Gobolka Mudug iyo Ganacsatada Degmada oo Isku khilaafsan Isticmaalka lacag lagu Qabtay Garoonka Galkacyo.

Isniin, June 28, 2010 (HOL) - Khilaaf aad u xoogan ayaa ka dhashay lacag faalso ah oo dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo,taasi oo ahayd mid aad u fara badan.

Waxaa la sheegay in khilaafkan uu u dhaxeeyo maamulka Gobolka iyo Ganacsatada ,taasi oo ku aadan sidii laga yeeli lahaa Lacagtan oo qabashadeeda siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka mudug ayaa qaba in lacagtan hadii la soo galiyo gudaha magaalada ay horseedi karto dhaqaale bur bur baahsan oo ku yimaada dhamaan ganacsiga Puntland.

Waxaa kaloo ay sheegeen in aysan isticmaali doonin oo ay tahay faalso ,maadaama horey loogu wada ballamay in lacag kasta oo la qabto lagu horgubo shacabka hortiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka gobolka Mudug uu wado qorshe la xiriira sidii qayb ka mid ah lacagta la hayo loo isticmaali lahaa ,taasi oo si aad ah ay ugu soo horjeesteen Ganacsatada.

Ugu danbayntii Muranka ka dhashay lacatan ayaa ku soo beegmaya,iyadoo maalinkii shalay ahayd magaalada Garowe lagu gubay lacag Dollarka modow ahayd oo gaaraysay $1,820,000.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya