Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka oo Maamul Cusub u Magacowday Degmada Hoosingow ee Gobolka J/hooose.

Maamulkan cusub ee maanta loo magacaabay Degmada Hoosingow ee gobolka J/hoose ayaa yimid kadib markii ay degmadaasi gaareen masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka kuwaa oo safarro kala duwan kusoo maray degmooyin iyo Deegaano kala duwan oo katirsan gobolka J/hoose.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo saxaafadda u aqriyay xubnaha maamulka cusub ee Degmada Hoosingow ayaa sheegay in maamulka la magacaabay uu ka kooban yahay ilaa iyo 4 xubnood kuwaa oo kala ah sidan hoos ku xusan.

Gudoomiyaha Degmada Hoosingow ayaa loo magacaabay Ibraahim C/laahi Cali
Madaxa garsoorka C/raxmaan Axmed Cismaan
Madaxa Ciidamada Xizbada Dalmar C/nuur
Madaxa Dacwada degmada Hoosingow Siciid Macalim Ismaaciil
K/xigeenka Ciidamada Xizbada Cabdi Xasan Max'ed
Sheekh Xasan Yacquub Cali gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada Hoosingow ee gobolka J/hoose in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee la magacaabay isagoo sidoo kalena kula dardaarmay masuuliyiinta maamulka cusub ee la magacaabay in ay waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo leh.

Maamulkan maanta loo magacaabay Degmada Hoosingow ee gobolka J/hoose ayaa imaanayaa iyadoo ay jireen kulamo kala gooni gooni ah oo masuuliyiinta maamulka gobollada jubooyinka ay la qaadanayeen Odoyaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo Culumaa'udiinka ku dhaqan Degmada Hoosingow kuwaa oo looga gun lahaa sidii maamul hoosyimaada wilaayada islaamgia ah ee jubooyinka loogu dhisi lahaa degmada Hoosingow ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya