Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljameeca oo sheegtay inaysan ku qancayn wax ka yar wasiirradii ay heshiiska kula galeen Dowladda Soomaaliya

Isniin, 28, Jun, 2010 (HOL) Culima'udiinka Ahlu-sunna Waljameeca oo horay ula galay heshiis awoodqaybis ah Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan doonayn wax ka yar 5-wasiir oo ay ku yeeshaan Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Cali Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhanka Dowladda uu gaabis ka yahay hirgelinta heshiiska dhankoodana ay gudbiyeen wixii laga doonayay, waxaana uu intaa ku daray in illaa hadda aysan wax jawaab ah ka helin dhinaca Dowladda.

''Anagga haddii aynu nahay Culima'udiinka Ahlusunna waxaa u aragnaa Dowladda Soomaaliya in waqtiga dan ah oo badan aysan ka lahayn meelmarinta heshiiskii aan la galnay, haddiise ay arrimuhu sidan kusii socdaan go'aan ayaan ka qaadan doonnaa" ayuu yiri Sheekh Cumar.

Mas'uulkan wuxuu sheegay inay dhankooda qadarin u hayaan Dowladda Soomaaliya, waxaana hadalkiisa uu imaanayaa iyadoo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya lagu wado inuu dhawaan ku dhawaaqo Gole Wasaaradood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Ma'aha mas'uulkii ugu horeeyay oo mas'uul ka tirsan Ahlusunna uu ku eedeeyo Dowladda Soomaaliya inaysan diyaar u aheyn fulinta hishiiskii lagu gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan.

Dowladda Soomaaliya iyo Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa heshiis lagu qaysabanyo awoodda xukuumadda ku kala saxiixday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo heshiiskaas uu dhigayo in 5-wasiir ay Ahlusunna ku yeelato Dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya