
Isniin, July 12, 2010(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah uga bilowday Garoonka Spånga ee Magaalada Stockholm Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta xagaaga ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI.
Furitaankii Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin Isboorti oo Soomaali ah iyo Mas’uuliyiin Siyaasadeed oo ka socday Dowladda Sweden iyo weliba Dadweyne aad u faro badan oo si weyn u soo camiray garoonkii ay Ciyaaraha ka bilowdeen.
Furitaankii CIyaaraha ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin Soomaali iyo Swedish isugu jiray, kuwaasi oo dhamaantood qiray in ay ku faraxsan yihiin Ciyaaraha Sanad walba ka dhaca Dalka Sweden, gaar ahaan kuwa uu soo qabanqaabiyo Ururka SEUKI.
Tartankan Isboorti ee maanta bilowday oo socon doona ilaa 25-ka bishan ayaa waxaa ka qeybgelaya ilaa 12 Kooxood, kuwaasi oo ka kala socda Dalalka Britain, Sweden, Australia, Denmark, Norway iyo Finland, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkan ay ciyaaraha ka baaqsatay Kooxdii ka imaan jirtay Dalka Holland, taasi oo u baaqatay daruufo u gaar ah Ciyaartoyda iyo Madaxda Kooxda.
Waxaa ka hadlay furitaankii tartankan Guddoomiyaha SEUKI Mr. Xiirey Axmed Rooble, wuxuuna sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in uu si habsami leh ugu qabsoomay tartankii ay sanad walba qaban jireen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi ammaanteeda leeyihiin Kooxaha Tartanka ka qeybgelaya oo waqtigii loogu talagalay yimid iyo weliba mas’uuliyiinta Ururka SEUKI oo dadaal weyn u galay in uu tartanka qabsoomo xiligii loo qabtay.
Xiirey Axmed Rooble oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in ujeedada tartankan loo qabto sanad walba ay tahay sidii loo heli lahaa meel ay dhalinyarada Soomaaliyeed isku weydaarsadaan aqoontooda iyo xirfadooda iyo weliba in looga hortago waxyaabaha muqaadaraadka ah.
HALKAN KA FIIRSO JADWALKA CIYAARAHA
“Dhalinyarada Stockholm sidii looga bartay waxaa laga doonayaa in ay soo dhaweeyaan dhalinyarada ciyaartoyda ah ee meelaha fog fog uga yimid, si uu u sii xoogeysto magaca ay Stockholm ka heshay Magaalooyinka Europe ee ah in ay tahay “Hooyada Isboortiga Soomaaliya”, taasina waxay ku xiran tahay sidii aad u martigelisaan martidiina”ayuu yiri Xiirey Axmed Rooble.
Intaas kaddib Xiirey waxaa uu mahadcelin u jeediyay Saraakiil Booliska Stockholm ka socotay, siyaasiyiin ka socday Xisbiyo dalka Sweden ka dhisan iyo weliba Shirkado Xawaaladeed oo ay ka mid yihiin Sahal Express, Dahabshiil iyo Qaran Express, kuwaasi oo uu dhamaantood sheegay in ay kaalin ka geysteen sidii ay u qabsoomi lahaayeen ciyaaraha Xagaaga ee Stockholm.
Intaas kaddib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Kerstin Gustavsson oo ka socotay Xisbiga haatan haya talada Dalka Sweden. Kerstin ayaa iyadu u soo joogtay 12kii sano ee ciyaaraha xagaaga Sweden la qabanayay.
Kerstin Gustavsson oo munaasabadda furitaanka ka hadashay waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay sanadkii 12aad ka qeybgeleyso ciyaaraha xagaaga Sweden, waxayna intaas ku dartay in ay muhiim tahay in ay sanadkiiba mar kulmaan bahda Isboortiga. Tartankan ayay u rajeysay Kerstin Gustavsson in uu guul ku soo dhamaado.


Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii tartanka mas’uuliyiin Isboorti oo aan ka xusi karno Axmed Nuur Seyga Ruushka, Shiine Guhaad iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo dhamaantood bogaadin iyo hambalyo u diray Ururka SEUKI ee ciyaaraha soo qabanqaabiyay iyo weliba Dadka ku nool Stockholm ee iyagu sanad walba martigeliya Ciyaaraha Xagaaga Sweden.
Intaas kaddib waxaa bilaabatay Ciyaartii furitaankii ahayd ee tartankan ka tirsaneyd, taasi oo dhexmartay Kooxaha Ilamos iyo Qaran, waxayna 90kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ay ku idlaatay 2-1 oo ay guushii ku raacday Kooxda Qaran. Waxaa xusid mudneyd in seddexda gool ee la dhaliyay intii ay ciyaarta socotay ay dhasheen qeybtii dambe ee ciyaarta.
Ugu dambeyntiina waxaa qeybta madadaalinta dadweynaha u qaabilsanaa tartanka Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Xabiib Sharaabi, Super Khalid, Xabiibo Wanaag iyo kuwo kale.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]