Soomaalida ku nool Dalka koofur afrika ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay loo geystay dil, dhac, bara kicin iyo waliba boob hantiyeed.

Isniin, July 12, 2010 (HOL) - Dhacdooyinkan ayaa waxa ay daba socdaan hanjabaadyo  is daba joog ah oo ay soomaalida u geysanayeen dadka wadaniga ah ee ay la jaarka yihiin, waxaa soomaalida iyo ajnabiga kaleba loogu hanjabay in ay wadankan iskaga baxaan kaddib markii uu dhamaadaan Ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee 2010ka
 
Shalay ayaa waxaa la afduubtay dhalinyaro soomaali ah oo gaari kaxeeysanayay oo markii dambana rasaas lagu furay waxaana halkaa ku dhintay hal wiil labo kalena wey ku dhaawacmeen gaarigii ay wateena laga dhacay.
 
Habeenimadii xalay markii ay saacadu aheyd 11:30 pm ayaan booqanay goobaha uu ka socdo boobku oo ku yaala duleedka magaalada cape town waxaanan la kulanay dhalinyaro soomaali ah oo la cararaya hantidooda intii ay ka gaaraan, waxayna alaabahooda kusoo guranayeen baabuur waxayna naftooda kula soo carareen xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Belville taasoo ay buux dhaafiyeen soomaali kasoo bara kacay xaafadaha ay ku noolyihiin dadka madowga ah ee koofur afrikaanka ah.
 
ilaa iyo hada ma jiraan wax la taaban karo oo ay dowladu ka qabatay kacdoonkan shisheeye naceybka ah, inksastoo ay dowladu horay usheegtay in ay wax ka qabanayaan arimahaan oo horay looga sii baqayay hadana ma muuqato in ay dowladdu xakameyn karto.
 
Haddaba wixii arimahan kasoo kordha kala soco HIIRAAN ONLINE.