Madaafiic sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo maanta lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha iyo Hareerihiisa

Isniin, July 12, 2010 (HOL) - Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay 9-qof oo kalena way ku dhaawacmeen Madaafiic ay ciidamada AMISOM ku garaaceen maanta Suuqa Bakaaraha iyo degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Duqeymahan ayaa ahaa kuwo daba socday duqeymo xalay ay AMISOM u geysatay xaafado ka tirsan degmada Dayniile, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan hal qof iyo dhaawac afar qof oo kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicdu ay ahaayeen kuwo ay ka warheleen iyagoo howlahooda ganacsi ku jira, waxaana goobaha ay khasaaraha ka geysteen ka mid ah Isgoyska Howlwadaag oo aad xiligaas ay ku sugnaayeen dad badan.

"Waxaan gudaha Bakaaraha iyo xaafado ka tirasn degmooyinka Hodan Howlwadaag iyo Wardhiigley ka qaadnay 9-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba" ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa waxay sidoo kale ku dhaceen degmooyin ku yaalla waqooyiga Muqdisho halkaasoo ay ka geysteen dhimashada labada qof ee shacabka ah, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in madaafiicdan lagu garaaco Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay duqeymo ka geysteen Magaalada Muqdisho xiliyada weerarrada lagu qaado saldhigyada ay ka dagan yihiin Muqdisho ama la weeraro, balse ma jiraan maanta iyo xalay wax weerarro ah oo lagu qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya