Isniin, July 12, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ee xalay ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Sheekh Shariif oo warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa ku sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo argagxiso ayna ka dambeyeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururweynaha Al-Qaacida.
"Qaraxyadii lala eegtay dad iska daawanayay ciyaaraha Adduunka waxay ahaayeen kuwo fool-xun, waxay tusaale u yihiin aragtida gurracan ee ay qabaan kooxihii ka dambeeyay, waxaana loo baahan yahay in calaamka laga nadiifiyo kuwa aan qiimo siinayn nolosha dadka" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray ehelladii ay ka geeriyoodeen 64-kii qof ee ku dhintay qaraxyadaas iyo dowladda Uganda, isagoo warkiisa ku sheegay inay la qaysan doonaan shacabka Uganda murugada ay qaraxyadaas reebeen.
Dhanka kale Ururka Midowga Afrika ayaa isagu cambaareeyay qaraxyadaas, iyadoo Madaxa ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Ramtane Lamamra uu ku tilmamay qaraxyadaas falal argagaxiso oo arxandarro ah.
Inkastoo aysan weli jirin kooxo sheegtay inay qaraxyadaas ka dambeeyeen ayaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska waxay ku eedeeyeen inay ka dambeyso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sarkaal ka tisran uu sheegay inay ku farxeen qaraxyadaas.