Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Amaanka Looga hadlayo Maanta ku yeeshay Garowe

Isniin, July 12, 2010 (HOL) - Xubno ka mid ah golaha wasiirada Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ka hadlay amni xumada ka jirta meelo ka mid ah Gobolka ,gaar ahaan Bosaaso.

Waxaa la sheegay in shirkan lagu soo hadal qaaday kiisaskii ka dhacay Puntland labadii bilood ee la soo dhaafay ,Waxaana kaloo ka qayb galay xubno ka mid ah Barlamanka.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulaahi Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaasi laga soo saaray go,aamo dhowr ah oo ku aadan wax ka qabashada xaalada Amaan ee Gobolka

C/laahi Maxamed Faarax Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland ayaa xusay in ay jirri doonaan kullamo is daba joog ah oo ku aadan Amniga Puntland ,Waxaana uu ka digay Falalkan amni darro ee Puntland ku soo kordhaya.
Waxaa kalo uu xusay in lagu soo hadal qaaday shirkaasi Safarkii ay dhawaan ku tageen Itoobiya masuuliyiin ka tirsan maamulka oo uu horkacayay madaxwayne ku xigeenka ,iyo waxyaabihii lagu soo wada heshiiyay.

Waxaa maamulka  uu qaadi doonaa Tallaabooyin ku aadan amaanka ,guddina waa loo xil saaray arintaa "ayuu yiri Wasiirka isaga oo ku sugan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland

Kullankan ayaa imaanayaa,iyadoo ay jiraan Falal amaan darro ah oo ka dhacaya Gudaha Puntland,kuwaasi oo aan ilaa iyo hada wax isbadal ah laga samayn.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,somaliya