Xulka Qaranka Spain Oo Xalay Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay Koobka Aduunka

Isniin, July 12, 2010 (HOL) − Xulka Qaranka Spain ayaa xalay markii ugu horaysay inta la ogyahay taariikhda ku guulaystay Koobkii aduunka ee ka socday South AFrica ka dib Ciyaar ay la yeesheen Xulka Qaranka Netherland oo ay u soo wada Baxeen Finalka.

Goolka Qura ee ay Spain ku hanatay Koobka aduunka Waxaa u dhaliyay laacibkooda khadka dhexe uga safta A.Iniesta Waqtigii dheeriga ahaa ee Ciyaarta lagu daray gaar ahaan 15-kii daqiiqo ee danbe.

Ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay 1-0 ,Waxaana ay ka dhacday Garoonka Soccer City ee Magaalada Johansburg ,Waxaana Xiritaanka Ciyaarta ka soo qayb galay Nelson Mandela oo Aad looga qadariyo wadankii koobka uu ka socday.

Xulka Qaranka Netherland ayaa dhamaadkii Ciyaarta waxaa laga saaray laacibkooda dhanka daafaca John Heitinga ,taasi oo lagu macneeyay in ay sabab u ahayd Guul darada ku habsatay Dutch-ka,Waana markii sedexaad oo ay koobka aduunka waayaan inta ay Final yimaadaan.

Gaarsoorihii Ciyaarta hayay ayaa Bixiyay 13 jaalle iyo Hal kaarka Casaanka ah,Waana Ciyaartii ugu Jaallaha badnayd tan iyo intii uu soo bilowday Koobka aduunka.

Spain waa Wadanka Kaliya ee markii 2aad ku guulaysta 2-da koob ee aduunka ugu qiimaha badan oo kala ah kan aduunka iyo kan yurub ,Waxaana xalay Madrid ka socday Dabaal dagyo kala duwan oo ku aadan Koobka ay Spain ku Guulaysatay.

Xulka Spain wuxuu noqday xulkii ugu horeeyay ee yurub ah ee koobka aduunka ku qaada meel ka baxsan qaarada yurub , wuxuu sidoo kale noqday xulkii 8aad ee magaciis lagu qoro koobka aduunka tan iyo markii la soo bilaabay 1930.

Guusha Spain waxey ka dhigan tahay iney ku biiri doonto xulalka koobka aduunka heysta oo ka mid yihiin Brazil oo 5 mar qaaday koobka aduunka, Italy oo 4 mar qaaday, Germany oo 3 mar qaaday, Uruguay oo 2 mar qaasay, Argentina oo 2 mar qaaday, England iyo France oo min hal mar qaaday.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya