Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya oo sheegay in lasoo afjartay khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Galmudug iyo Kan Puntland

Axad, April 04, 2010 (HOL) Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay dhameyso khilaaf muddo dheer u dhexeeyay Maamullada Puntland iyo Galmdug, lana qaban doono dhawaan xaflad ay heshiis ku kala saxiixanayaan.

Cawaale oo shir Jaraa'id maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xubnihii ka kala socday labada dhinac ay heshiis buuxa ka gaareen khilaafyadii u dhexeeyay oo sababay gacan ka hadal labada maamul ku dhexmara Gaalkacyo sannadkii hore.

"Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay dhexdhexaadiso Puntland iyo Galmudug, waxaana toddobaadka soo socda lagu qaban doonaan Gaalkacyo xaflad ay labada dhinac ku kala saxiixanayaan heshiis kama dambeys ah" ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa xubno ay Dowladda Soomaaliya u xilsaartay inay ka sameeyeen Puntland iyo Galmudug dhexdhexaadin, kaddib markii uu dhexmaray dagaal sababay dhimashada iyo dhaawaca dad ku nool Degmada Gaalkacyo.

"Xubnihii labada maamul ka socday waxay ku heshiiyeen inay wadashaqeeyaan, taas ayaana ah guusha laga gaaray heshiiska oo si cad loo taaban karo" ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale oo dhanka kale baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug.

Maamullada ka jira Gobollada Mudug iyo Galguduud iyo Puntland ayuu ugu baaqay wasiirku inay dhexgalaan labada beelood si ay joojiyaan dhiigga dadka walaalaha ah ee daadanaya, isagoo sheegay in guddi ay Dowalddu horay ugu dirtay halkaas ay wadaan dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo gacan ka hadalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya