Axad, April 04, 2010 (HOL) Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray amar uu kaga mamnuucayo Idaacadaha ka howlagla Muqdisho inay sii daayaan heeso iyo Muusig.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho galinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in idaacadaha Madaxbaan ee Muqdisho ku yaalla ay amarkan ku fuliyaan muddo 10-maalmood ah.
"Waxaan ku wargelinaynaa Idaacadaha ka howlgala Muqdsiho inaysan siidayn karin hees iyo Muusig, ayna amarkaas ku fuliyaan muddo 10-maalmood ah, waayo halkan waxaan doonaynaa inaan ka sameyno Dowlad Islaami ah, mana la ogola heeso" ayuu yiri Macallin Xaashi.
Sidoo kale Mas'uulkan wuxuu sheegay in idaacaddii ku fulin wayda xilliga ay qabteen amarkan ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah, isagoo sheegay inay meel walba oo ay ku taallo ugu tegi doonaan.
"Muddada 10-maalmood ah ee aan idaacadaha siinnay waxaan ku doonaynaa inay Cajaladaha ku kala baxsadaan, idaacaddii siidaysa muddadaas kaddib hees waxaan u arkaynaa inay baahinayso wixii ay reer galbeedku rabeen" ayuu yiri Macalin Xaashi.
Guddoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale kaga hadlay shirkiisa Jaraa'id kooxaha shisheeyaha ah ee ka barbar dagaalama, isagoo sheegay inaan la dhihi karin Ajnabi, balse loogu yeero Muhaajiriin, isagoo sheegay in idaacaddii laga maqlo ay taallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
"Dadka nala jooga ee dibadaha ka yimid waa Muhaajiriin walaalaheenna ah lamana dhihi karo Ajnabi, waxaan sheegaynaa in Ajnabi uu dalka ku sugan yahay, waana ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha, KM4 iyo Madaxtooyada" ayuu yiri Macallin Xaashi.
Dhanka kale, wuxuu ugu yeeray dagaalyahannada calaamka inay yimaadaan Soomaaliya si ay uga dagaalamaan, isagoo xusay in xitaa Sheekh Osama Bin Laden ay ku casuumayaan dalka haddii ay u suurogasho.
Hadalladan ayaa waxaa ka jawaabay Dowladda Soomaaliya iyadoo ku tilmaantay kuwo lagu caburinayo saxaafadda xorta ah, waxaana Afhayeenka Wasaaradda Wafaafinta uu ku tilmaamay hadallo ay Xisbul Islaam ku qancinayaan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Afhayeenku wuxuu sheegay in hadalka Macallin Xaashi uu yahay mid uu kaga wakiil yahay Xarrakatul Shabaab, wuxuuna ururkiisa ku tilmaamay mid aan jirin awood ahaan, isagoo sheegay inaysan fuli doonin amarradaas.
Waa amarkii ugu horreeyay oo Xisbul Islaam ay kusoo rogaan Idaacadaha Madaxabannaan ee ka howlgala dalka Soomaaliya, balse Xarrakatul Shabaab ayaa horay uga joojiyay Idaacadaha ka howlgala Koonfurta Soomaaliya heesaha, halka kuwo kalena ay xireen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya