Axad, 4, April, 2010 (HOL) Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee xarrunta u ah Goballka Hiiraan ayaa Wadnaha farta uga haya dagaallo mar kale ku dhaxmara Magaalada Beledweyne Xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Goballka iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Abaabul iyo dhaq dhaqaaq Militari ka wada deegaanno siweyn ugu dhaw Magaalada.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in Ciidamo aad u hubeysan oo ay wehelyaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya in ay soo gaareen deegaaanka Kala-beyr oo ah goob Istiraatiji ah marka la eego isku xirka Goballada Hiiraan, Galgaduud, iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale warar aan si dhab ah loo xaqiijin laakiin leysla dhaxmarayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo sacda la filay in Ciidamada hadda ku sugan deegaannka Kala-beyr ku soo biiraan Ciidamo kale oo lagu wado in ay ka soo galaan Goballka Hiiraan dhinaca Magaalada Godeyn ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kadib markii loo soo xiray tababar halkaa uga socday.
Ciidamada Xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Goballka Hiiraan ayaa iyaguna dhinacooda u muuqda kuwo si gaar ah isha ugu haya dhaq dhaqaaqa ay wadaan Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka jirra daafaha Magaalada, waxaana mar marka qaar la arkayaa gadiidka dagaalka iyo Ciidamo aad u hubeysan oo ka kala tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo buuxinaya aagaga leysku hor fadhiyo si ay isaga caabiyaan weerar kaga yimaada dhinaca Ciidamada Dowladda.
Dadka yaridka ah ee ku nool Magaalada Beledweyne oo bilihii ugu danbeeyay ka dul dhaceen dagaallo aan kala joogsi laheyn oo u dhaxeeya Xoogagga ku hardamaya Siyaasada dalka ayaan Mahadin dhaq dhaqaaqyadan cusub ee ka jirra deegaannada ku hareereysan Magaalada Xarrunta ah Goballka Hiiraan ee Beledweyne.
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Abaabul dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka jirra deegaanno ku dhaw Magaalada Beledweyne.
More News
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo qabsatay Markab kuwa shidaalka ah oo laga leeyahay dalka Koofurta Kuuriya.
- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya oo sheegay in lasoo afjartay khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Galmudug iyo Kan Puntland
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta ka warbixiyay sababihii qaar ka mid ah kawaanahada ku yaalla Muqdisho looga mamnuucay in lagu gowraco Geela
- Ururka Suxufiyiinta JIJA oo hablayo ku aaddan doorashada mar kale loo doortay hoggaanka Saxafiyiinta Afrika u diray Cumar Faruk Osman
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culummada Ahlusunna oo saakay ku dagaalamay deegaan ka tisran Gobolka Galguduud
- Maamulka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo sheegay inay qaybteen dhowr qof oo ay sheegeen inay ammaanka degmadaas wax u dhimayeen
- Barakacayaal ku nool degmada Baydhabo oo ku sumoobay raashin gargaar ah oo ay u qaybisay Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC
- Ururka Xisbul Islaam oo Idaacadaha ka howlgala Muqdisho kusoo rogay amar ah inaysan sii dayn karin Heeso iyo Dowladda oo jawaab ka bixisay
- Dagaal Goballka Shabeellaha dhexe ku dhaxmaray Ciidamo ka kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.