Axad, April 04, 2010 (HOL) Guud ahaan Ururka midowga Saxafiyiinta Jubbooyinka iyo hogaankooda ayaa si wayn u soo dhaweeyay doorashadda Ururka saxafiyiinta Afrika ee (FAJ) oo uu mar kale ku guulaystay Mudane Omar Faruk Osman.
Omar Faruk ayaa mar labaad isusoo taagay madaxtinimada Ururka Saxafyiinta Afrika, xili uu ka qaybgalayay shir loosoo agaasimay in lagu doorto cida hogaaminaysa Uruka Midowga Saxafiyiinta Afrika.
Shirkan oo ahaa mid Caalami ah isla markaana si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda saxaafadda Africa oo ka kala socday 43 wadan oo Africa ah waxaana shirka marti galiyay dalka Simbabwe
"Guusha uu gaaray Saxafigaan Soomaliyeed ayaa ah mid maanta lagu faani karro isla markaana taariiq wayn ku dhex leh saxaafada Africa" ayuu yirri gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta JIJA mudane Cali Yaasiin Gurbe oo ka hadlayay doorashada markale la doortay Omar Faruuk Osmaan.
"Uma arko guusha Faruk mid asaga u soo hoyatay ee waxa ay u so hoyatay dhamaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo Soomaalida, waxayna la mid tahay biladii USA lagu gudoonsiyay Mustafe Xaaji C/nuur sanadkii tagay ee 2009 kii, taasi oo magac weyn u soo jiiday saxaafada Soomaaliyeed." sidaa waxaa Tiri xoghaya arimaha dibada ee Ururka JIJA Deeqo Yuusuf Shire SONNA oo dhanka kalana ku boorisay bahda saxaafada in ay raadiyaan wadajir iyo midnimo si looga gudbo is dhexyaaca ka jira bahda Saxaafada Soomaaliyeed.
Madaxda Ururka JIJA waa gudoomiye Cali Yaasiin Gurbe iyo Madaxa arimaha dibada JIJA Deeqo Yuusuf Shire (Sonna) ee maanta ka hadlay doorashada mar kale uu ku guulaystay hogaanka saxaafada afrika Cumar Faruk ayaa iskaga mid ahaa in dadaalka saxaafada Soomaaliya qof kasta labo jibaaro si uu aduunka wax ula qaybsado magacna usoo jiido saxaafada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahatee waxaa muuqanaya in saxaafada Soomaaliya ay iminka la saan qaaday mida caalamka oo ay in mudaa ka hoosaysay waloow ay jiraan caqabado, iyo xaalado aan wanaagsanayn oo la soo darsa bahda saxaafada Soomaaliyeed, xaalada dalka awadeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya