Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta ka warbixiyay sababihii qaar ka mid ah kawaanahada ku yaalla Muqdisho looga mamnuucay in lagu gowraco Geela

Axad, April 04, 2010 (HOL) Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta sheegay sababihii ku kalifay inay ka horistaagaan in geela lagu gowraco degmada Dayniile, iyadoo qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan aanay hilib lahayn maalintii labaad.

Guddoomiyaha Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay inay u joojiyeen iyadoo goobaha lagu gowracayo xoolaha aysan ahayn kuwo nadaafadoodu wanaagsan tahay.

"Dhowr jeer ayaan amarro kusoo rognay ganacsatada gowraca Xoolaha, waxaan u sheegnay inay gowraca la aadaan Kawaankii Gowraca ee Xamar kaasoo aan dib u hagaajinay ama ay goobta ka nadaafadeeda hagaajiyaan, markii ay fulin waayeen amarradaas ayaan joojinay in lagu gowraco xoolaha halkaas" ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go'aanka ay xoolaha ku joojiyeen uu ahaa mid ay kaga hortagayaan in dadka ay cunaan hilbo aan nadaafad ahaan wanaagsanayn, isagoo xusay in inta laga nadiifinayo goobtaas xoolaha lagu qalo aysan dhici doonin in xoolo lagu qalo.

"Waxaan go'aankan u qaadanay waxaa ka mid ah intii ay dadku eeyaha wax la cuni lahaayeen inay iska cunaan qudaarta ayna cabaan caanaha" ayuu yiri Sheekh Cali Max'ed Xuseen, isagoo sidoo kale ugu baaqay Ganacsatada Hilbaha iibiya inay ku iibiyaan hilibkooda kawaanaddii loogu talogalay oo uu sheegay inay hagaajiyeen.

Suuqa Bakaaraha iyo Degmooyin ka tirsan Muqdisho ayaa maalintii labaad aan lagu iibinayn wax hilib ah, iyadoo ganacsatada xoolaha ku gowrici jiray degmada Dayniile ay sheegeen oo keliya in loo diiday inay halkaas ku gowracaan xoolaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya