Dagaal Goballka Shabeellaha dhexe ku dhaxmaray Ciidamo ka kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Axad, 4, April, 2010 (HOL) Dagaal bilaawday saqdii dhexe ee xalay ayaa Tuuladda Raaga Ceelle ee Goballka Shabeelaha dhexe waxaa uu ku dhaxmaray Ciidamo kala taabacsan Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sida uu HOL u sheegay Sarkaal lagu magacaabo Shiikh Xassan Cumar Shiikh oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca islamarkaan jooga goobta dagaallku ka dhacay waxaana inta uu ka warqabo dagaallka ku geeriyooday labo ruux oo sida uu sheegay ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab laakiin ma uusan sheegin wax khasaare ah oo dhinacooda soo gaaray, waxaana uu intaa ku daray in deegaannadii lagu dagaallamay hadda gacanta ku hayaan Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhinaca kale Madaxa Warfaafinta Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaallka saakay ay qaadeen Ciidamada Ahlu Sunna si meesha looga saaro ayuu yiri kooxo tirsanaa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannka Raage Ceele.
Laakiin marka la eego dhica Xarrakada Al-shabaab Saraakiil u hadashay waxba kama aysan soo qaadin dagallka dhacay, waxaana ay sheegeen in aysan ogeyn dagaal culus oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Goballka Shabeellaha dhexe marka laga reebo ayeey yiraaheen weerar ay soo qaadeen kooxo hubeysan oo horay looga bur buriyay Jidgooyo lagu dhibaateyn jirray dadka safarka ah.

Goballka Shabeellaha dhexe ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku haya Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaana la oran karaa marka la eego Goballka Shabeellaha dhexe waxaa uu ka mid yahay Goballada ugu degan dhinaca dagaallada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]