Ganacsade lagu dilay Magaalada Baydhabo oo xiisad ka abuuray degmadaas

Jimco, April 16, 2010 (HOL) Wararka aan ka helayno Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidii ayaa xiisado ka abuuray degmadaas, iyadoo kooxaha dilka ganacsadaha geystay ay baxsadeen.

Ganacsatada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Aadan Xuseen, waxaana lagu toogtay habeen hore bartamaha degmadaas, iyadoo Mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab ee Gobolkaas ay iska fogeeyeen inay lug ku leeyihiin dilkaas.

"Dilka ganacsadaha waxaa geystay kooxo dhagar qabayaal ah waxaana socda baaritaano lagu raadinayo" ayuu yiri Mas'uul ka tirsan Maamulkaas oo diiday inuu magaciisa u sheego saxaafadda.
Goobjoogayaal ay soo xigatay HOL ayaa sheegay in ganacsadaha la dilay ay toogteen dhalinyaro ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo goobta markiiba ka baxsaday, waxaana Magaaladaas lagu daadiyay ciidamo fara badan oo Xarrakada Al-Shabaab ka tirsan.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in dilka ganacsadahan loo maleynayo inuu salka ku hayo aano beelo ku dagaalamay hareeraha degmada Baydhabo bishii hore, kuwaasoo dhowr qof iska dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya