Dagaal u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda oo saakay ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Jimco, April 16, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa saakay ka dhacay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Iskahorimaadkan oo socday daqiiqado ayaa bilowday markii xoogagga Islaamiyiinta ah ay weerar ku qaadeen guriga Shaqaalaha oo saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo xaafada taleex oo ay dagan yihiin ciidamada Dowlada.

Khasaaraha dagaalka ee la ogyahay ayaa lagu sheegay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa rayid aan dagaalka qayb ka ahayn, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

"Dagaalku wuxuu bilowday saakay aroortii hore, qof walba wuxuu kusoo kacay hugunka rasaasta iyo madaafiic culus oo la isdhaafsanayo, waxaan arkay hal qof oo dhintay iyo laba qof oo dhaawacmay" ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ahaa dadka ku harsan degmada Hodan.

Goobjoogahan wuxuu sheegay in madaafiicda ay labada dhinac adeegsanayaan ay ahaayeen kuwo dhacayay goobihii ay ku dagaalamayeen, iyadoo dagaalku uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Jidka Makka Al-Mukarama.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xili ay xalay oo dhan ka socdeen Muqdisho roobab xoogan oo sababay inay biyo badan fariistaan wadooyinka, taasoo keentay in socodka gaadiidka uu aad u yaraado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya