Taliyaha Ciidamada Badda ee Mareykanka oo sheegay in Burcadbadeedda Soomaaliya aan wax looga qaban karin awood ciidan

Jimco, April 16, 2010 (HOL) Taliyaha ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Afrika iyo Yurub Admiral Mark Fitzgerald ayaa ka sheegay Pentagon  in awood ciidan aan waxba looga qaban karin burcadbadeedda Soomaaliya.

 "Maraakiibta ganacsiga ee ku safaraya biyaha Soomaaliya waa in ay qaataan hub ay isaga difaacaan kooxaha burcadda ah" ayuu yiri  Admiral Fitzerald, isagoo sheegay in Howlgallada ay cidamada ku sugan Biyaha Soomaaliya sameeyaan aysan ahayn kuwo lagu xadidi karo burcadbadeednimada.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inuu soo jeedinayo in Maraakiibta ganacsiga ay qaataan hub taasoo uu sheegay inay hoos u dhigi karto oo keliya weerarrada kooxaha burcadbadeedda ah oo aad u kordhay sannadkan.

"Waxaan geynay Soomaaliya Maraakiibtii ugu badnaa ee la geeyo dal Afrika ku yaalla, welina awood uma yeelan inaan ka hortagno afduubyada ka dhaca biyaha Soomaaliya" ayuu yiri Admiral Mark Fitzgerald.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan dekedaha ay ku sugan yihiin kooxaha burcadbadeeda ah si ay u laciifiyaan awoodooda, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid lagu xalin karo burcadbadeednimada.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in qorshahooda la dagalaanka burcadbadeednimada uusan filayn inay hoos u dhigi karaan afduubyada ay ka geystaan biyaha Soomaaliya abdikood, haddii aan la qaadan firkadaha ah in la iska difaaco laguna weeraro meel walba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya