Xildhibaanno u istaagay xallinta khilaafka ka dhextaagan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Jimco, April 16, 2010 (HOL) In ka badan 100-xildhibaanno oo isku magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadyada Baarlamaanka iyo Mideyntiisa ayaa maanta shir ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray go'aano ay ku dalbanayaan in la badbaadiyo Dowladda iyo Heshiiskii Jabuuti.

Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo ah guddoomiyaha guddiga oo saxaafadda la hadlay markii uu kulankaas soo dhammaaday ayaa sheegay inay u istaageen xallinta Khilaafka ka dhextaagan Mudanayaasha Baarlmaanka iyo Guddoonka sare.

"Kulankeennu waxaan kula hadalnay qayb ka mid ah dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo, waxayna naga ogolaadeen inaan la burburin Dowladda oo la hakiyo khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka, dhinaca kalena waan la kulmaynaa" ayuu yiri C/raxmaan Kulmiye.

Mudanuhu wuxuu sheegay in 170-mudane ay kulankii maanta fadhiyeen ayna isku raaceen in la joojiyo khilaafyada baarlamaanka si wadajir ah loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhaarteen inay si daacad ah ugu shaqeeyaan.

Xildhibaan C/Khaalif C/llaahi Xamza oo ka mid ahaa mudanayaashii kulanka soo qabanqaabiyay ayaa halkas ka aqriyay qodobbo ay soo saareen oo toddoba qodob ahaa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: In la joojiyo gabi ahaan khilaafaadyada Xildhibaannada u dhexeeya, In Baarlamaanka fadhiyadiisa la furo waqtiga loo qabtay oo Axadda soo socota, In la joojiyo Mooshinnada ka dhanka ah Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka si loo badbaadiyo Dowladda.

Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan ayaa sheegay inay wadaan qoshe kale oo ay kula kulmayaan mudanayaasha kale ee wata mooshinka ay kaga soo horjeedaan Dowladda, isagoo sheegay in guddigooda aysan jirin cid sameysay, balse ay iyagu is-xilqaameen.
Mooshinno iska soo horjeeda ayay xildhibaanada Baarlamaanka wadeen, kuwaasoo looga soo kala horjeedo Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo la sheegayo in xiliyadoodii ay dhammaadeen.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya