Roob siweyn loogu diirsaday oo ka da'ay deegaanno badan oo ka tisan Goballka Hiiraan.

Jimco, 16, April, 2010 (HOL) Waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay siweyn uga da'ay deegaanno badan oo ka tirsan Goballka oo ay ka mid tahay Magaalada Xarrunta ah ee Beledweyne Roobab ay siweyn ugu diiradeen dadka iyo duunyada ku dhaqan Goballka kuwaa bilihii ugu danbeeyay siweyn uga canbabayay Jalaal adag oo soo foodsaaray.

Deegaannada sida weyn dhibicda roobku ugu hoortay ayaa waxaa ka mid ah dhulka sare ee baadiyaha ah iyo waliba Tuulooyinka ku dhaw dhaw Magaalada oo ay ka mid yihiin, Ceel-gaal, Buq-aqablle, Ceel Cali, Beer-xoono oo dhaantood Roobku Biyo dhigay dogagga iyo Waraha ay Xooluhu ka cabaan, waxaana wali muuqanaya in cirku yahay mid Indho qabad leh saacadaha soo socdana shubi karra raxmada Eebe.

Laakiin haddana marka aad dhinaca kale ka eegto Roobabkii saacadihii aynu soo dhaafnay ka da'ay qeybo badan oo ka mid ah Goballka Hiiraan, waxaana saameyn la taaban karro ku yeesheen Qoysaska ku nool Guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku yaalla Xerryaha dadka soo barakacaya kuwaa oo u sheegay HOL xiliyada habeenkii marka uu Roobku da'ayo in ay ku dhameystaan astaag, maadaama Daadka ka dhashay dhibicda Roobku uu si toos ah u soo gallo Booshashka ay degan yihiin.

Waxaana ay Qoysaskani codsiyo u dirsanayaan Hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan si markaa looga caawiyo Bacaha guryaha la saarto iyo Bustayaal ay ka hoos galaan xiliyada habeenkii qabowgga daran ee dhacaya gaar ahaan marka uu Roobku da'ayo.

Ma'aha oo kaliya deegaannada Goballka Hiiraan meelaha sida weyn Roobku uga da'ay ee sidoo kale wararka laga hellayo Goballada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya in Robab siweyn loogu diirsaday ay ka curteen deegaanno markii hore Abaar darani ku dhufutay, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in hadda durbaba bilaabeen Xoolaleyda labada Gobal in ay dib u soo guryo noqdaan kadib markii ay Biyoobeen dogogii iyo Warahii ku yaalay deegaanno markii hore ay uga carareen Abaarta dardeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya