WASIIRKA LACAGTA SOOMAALIYA: "Waan soo dhaweynaynaa go'aankii cunnoqabteynta lagu saaray Madaxda kooxaha naga soo horjeeda"

Jimco, April 16, 2010 (HOL) Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in go'aankii uu Mareykanku cunnoqabteynta dhaqaale ku saaray xubnaha sarsare ee kooxaha ka horjeeda Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan.

Wasiika oo ku hadlayay afka Dowladda ayaa sheegay tallaabadan ay tahay mid lagu hakinayo khatarta Al-Qaacida ay ku hayso Soomaaliya, isla markaana lagu dhimayo awoodda kooxaha dowladda ka horjeeda.

"Dowladda Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go'aankii lagu saaray Cunnoqabteynta ama xayiraadda kooxaha naga soo horjeeda, mana hubno in xubnaha la magacaabay ay jirto lacag dibadaha u talaa" ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale wasiirku wuxuu dalalka kale ee caalamka ka dalbaday inay qaataan mid la mid ah go'aanka Mareykanka ee xayiraadda lagu saaray xubnaha uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Talaadadii lasoo dhaafay qalinka ku duugay warbixin kasoo baxday waaxda maaliyada dalkaas oo xayiraad dhanka lacagta ah lagu sheegay Madaxada Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab.

"Waxaan codsanaynaa in laga hortago lacag iyo hub dibadaha uga yimaada kooxaha dowladda kasoo horjeeda, runtiina go'aankan waa mid lagu farxo" ayuu yiri Wasiirka Lacagta oo sheegay in kooxahan ay yihiin kuwo dhibaatooyin kawad dalka.

Wuxuu wasiirku hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in Dowladdu ay ugu baaqayso kooxaha kasoo horjeeda inay miiska wadahadalada soo fariistaan, mana jirto weli wax hadal ah oo kasoo baxay Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya