5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2009
Dagaal laba Beelood ku dhexmaray Deegaanno ka tirsan Somaliland

Khamiis, April 09, 2009(HOL): Deegaannada Gabiley iyo Baki oo Gobollada Hargeysa iyo Awdal ee Somaliland ayaa la sheegay in uu dagaal ka dhacay saaka, kaas oo dhex maray Laba Beelood oo walaalo ah ooh ore diriri ugu dhex martay Deegaankaas.

Wararka ka imanaya degaamadaas ayaa sheegay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac xaqiijinteeda aan wali laga war qabin, manaa jiro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay xukuumada iyo dhinacyada xuruguftu u dhaxeyso toona.

Hore waxa uu Dagaal u dhex maray labadan Beelood ee Dirirtu dhex martay oo wada dega Deegaannadaas, kuwaas oo isku maan-dhaafay dhinaca kala-xadaynta Deegaannadaas, isla markaana qolo waliba ay dhinaceeda ka sheegaynayso in ay iyagu leeyihiin meelo ka mid ah Deegaankaas.

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland