Kooxo Burcad ah oo Dad Safar ah Dil iyo Dhac ugu geystay inta u Dhaxeysa Degmada Jowhar iyo Deegaanka Buurane

Khamiis, April 09, 2009(HOL): Labo Ruux oo Rayid ah ayaa geeriyootay kadib markii ay Kooxo Burcad ah rasaas huwiyeen gaari safar ah oo ay la socdeen.

Falkan dhimashada keenay ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Jowhar iyo Deegaanka Buurane, waxayna labadaas ruux kala ahaayeen kaaliyihii darawalka iyo canug yar oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday.

Gaarigan la rasaaseeyay oo ka tegay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku sii jeeday Gobollada Dhexe. Ma ahan markii ugu horeysay oo dadka la socda gaadiidka safarka ah dil iyo dhac loogu geysto inta u dhaxeysa Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dhanka kalena, seddex gaari oo safar ah ayaa iyana waxaa dhac u geystay isla Kooxahaas Burcadda ah ee rasaaseeyay gaariga ay labada ruux ku dhinteen, waxaana lagu soo waramayaa in kooxahaas burcadda ah ay yihiin kuwo ugaarsada gaadiidka safarka ah.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen falalkaas amni darrada ah, waxaana laga dareemayaa gudaha Magaalada Jowhar diyaargarow ay Ciidamada Maxkamadaha ugu jiraan sidii ay ugu amba bixi lahaayeen halka laga soo sheegayo Kooxaha Burcadda ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya