SHIIKH CISMAAN BARRE MAX'ED: “Sii deynteyda waxaa gacan ka geystay Waxgaradka Beesha aan ka soo jeedo, haddana Xoriyaddeydii dib ayaan u helay”

Khamiis, 9, Apr, 2009 (HOL)  Shiikh Cismaan Barre Max'ed oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamada Goballka Hiiraan Maamulkii hore ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dib xorayddiisii u halay kadib markii habeen hore kooxo hubeysan ay ka kaxeysteen gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.
 
Shiikh Cismaan Barre Max'ed oo kadib markii la sii dayay u warmayay HOL ayaa waxaa uu ka warbixiyay qaabka uu Af-duubkiisu u dhacay " Aniga oo jooga gurigeyga ayaa waxaa ii yimid rag hubeysan oo watay gaadiidka dagaalka waxaana ay ugu amreen in aan raaco, intaas kadib waxaa la i geeyay guri sida aan u maleynayo uu daganaa Amiirka kooxdii aan la socday, waxaana leygu soo xiray qol gaar ah” ayuu yiri Shiikh Cismaan Barre Max'ed oo intaas raaciyay in Saacadihii la hayay aan wax dhibaato ah loo geysan.
 
Mar uu ka hadlayay sida loo sii daayay iyo cidda gacanta ka geysatay ayaa waxaa uu sheegay in uu jiray dadaal ay wadeen Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo '' Wallaahi dadaalku ma yareyn laakiin waxaa gacan weyn ka geystay sii deynteyda Odayaal ka soo jeeda beesha aan ka dhashay” ayuu intaas sii daba dhigay.
 
Sidoo kale mar aan weydiiyay  kooxda uu u maleynayo in ay Af-duubka u geysteen ayaa waxaa uu sheegay in ay ka tirsan yihiin garabyada Islaamiyiinta ah laakiin uusan dhihi karin waa kooxdaas.
 
Dhinaca kale Taliye Ku-xigeenka Amniga Degmada Beledweyne Shiikh Ibraahim Yuusuf ayaa si caro leh uga jawaabay Af-duubka lagula kacay Shiikh Cismaan Barre Max'ed isaga oo sheegay in Maamulka Goballka Hiiraan uusan u dulqaadan doonin falalka kooxaha hubeysan ee aan ka tirsaneyn Maamulka ka dhax fulinayaan Goballka Hiiraan.
 
"Waa la garanayaa kooxda Af-duubka geysatay baaritaan ayaana socda, Maamulkana kama hari doono falka ay ku kaceen kooxdaas, waxaana laga qaadi doonaan Tallaabo sharciga Islaamka waafaqsan” ayuu yiri Shiikh Ibraahim oo dhinaca kale sheegay in lagu sii dayay Shiikh Cismaan Barre Max'ed culeys ay saareen kooxaha Af-duubka geystay Ciidamada Maamulka Goballka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa marka laga soo tago Ciidamada Maamulka Maxkamadaha Islaamka sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamo kala taabacsan garabyada Diimeed ee ka jira gudaha Dalka Soomaaliya.
 
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya