Dowladda Soomaaliya oo Hay’adaha Samafalka ugu baaqday in ay gargaar la soo gaaraan Gobollo ka mid ah Soomaaliya oo ay abaaro ka jiraan


Afhayeenka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya C/qaadir Maxamuud Walaayo


Khamiis, April 09, 2009(HOL): Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Hay’adaha  Calaamka ee  ku lugt leh samafalka  inay gargaar la soo gaaraan  Gobollada Soomaaliya ee abaabruhu  ku habsadeen.

Sidaa si la’eg Dowladdu  waxay baaq kaas la mid ah u jeedisay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo inta Alle wax siiyay inay kaalmo bani’aadminimo u fidyaan walaalahood oo jilaalku ku dheeraaday, roobabkiina ka soo .

Codsigaas wuxuu soo baxay kaddib markii ay Xubnaha Golaha Wasiirrada shirkoodii caadiga ahaa maanta isugu yimaadeen iyadoo uu guddoominayay Rai’sal Wasaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Goballada qaar ayaa waxaa laga soo sheegayaa in xoolaha ay biyo iyo baad la’aan u dhimayaan, dadkana laga yaabo inay abaarta ku hoobtaan, sidaa darteed, Dowladda waxay ka codsaneysa shacabka Soomaaliyeed inay Alle u noqdaan oo ay kuwo dagaallada wada joojiyaan dhiigga macno la’aanta loo daadinayo, si raxmadda Eebe ay dalka oo dhan u ekeyso.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
C/qaadir Maxamuud Walaayo