Khamiis, April 09, 2009(HOL): Maamulka Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka wuxuu albaabada u laabay Idaacad FM oo ka howlgasha Degmadaas.
Idaacaddan oo lagu magacaabo Maandeeq ayaa lagu xiray amar uu soo saaray maamulka Al-Shabaab ee Degmadaas gacanta ku haya, lamana sheegin ilaa iyo haatan sabab rasmi ah oo loo xiray Idaacadda.
Agaasimaha Idaacadda Maandeeq ee Degmada Beled-Xaawo Xasan Maxamuud Xalane ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho in mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Al-Shabaab oo ay la kulmeen ay ku amreen in ay Idaacadda dansanaato muddo 24 saacadood ah.
Agaasimaha waxaa uu sheegay in ay maamulka Al-Shabaab kala hadlayaan sidii Idaacadda hawada loogu soo celin lahaa, isla markaana ay howlaheeda dib ugu sii amba qaadi lahayd.
Kulan dhexmaray mas’uuliyiinta Al-Shabaab iyo kuwa Idaacada Maandeeq ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxay in Idaacadda ay hawada ka maqnaan doonto muddo 24 saacadood ah oo ka bilaabaneysa waqtigii la xiray oo ahaa saaka, sidoo kalena ay keenaan qoraal muujinaya qaabka Idaacadda u shaqeyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya