Khamiis, April 09, 2009(HOL): Maamulka DGPL ayaa ku guul darraystay in uu gacanta ku soo dhigo Markab laga leeyahay dalka Yemen , kaasi oo maalmo ka hor ay kooxo burcad badeed ah ka af-duubteen Xeebaha gacanka Cadmeed.
Ciidamo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Puntland ayaa dhawaan u boqoolay gacanka cadmeed si ay u soo furtaan markabaasi oo sida la sheegay waday shidaal aad u faro badan, waxaana ay ciidamadii loo diray hawlgalkaasi ay dib ugu soo laabteen degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Wasiirka Wasaaradda Amniga DGPL C/llaahi Siciid Samatar oo ka hadlay sababta keentay in la soo furan waayo markabkaasi ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo u tababran la dagaalanka Burcadda, isagoo intaasi ku daray in markabka lala aaday meelo ka baxsan Xeebaha Puntland.
Waxaa kaloo Wasiirka Amniga C/llaahi Siciid Samatar uu xusay in afduubayadu ay intaasi ka sii badan karaan haddii aan maamulka Puntland la kaashan ,isagoo eedayn ballaaran u jeediyay Maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Somaliya.
"Ma jiro Cid Maamulka ka caawisay dagaalka lagula jiro Burcad badeedda ,waana taasi sababta keentay in afduubayadu ay sii bataan" ayuu wasiirka u sheegay qaar ka mid ah Wariyayaasha Bosaaso.
C/llaahi Siciid Samatar Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland ayaa xusay in lacago faro badan lagu bixiyo hawlgalka lagu magac daray Atlanta ee la dagaalanka Burcad Badeedda ,waxaana uu codsaday in Maamulka lacagahaasi wax laga siiyo si loo soo afjaro Burcad badeedda.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya