Khamiis, October 15, 2009(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyn Suuqa Bakaaraha loo geystay Magaalada Muqdisho.
Cali Dheere oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in duqeyntaas ay ka dambeeyeen Ciidamada Amisom, wuxuuna sheegay in Ciidamada Amisom ay ugu talagaleen in ay duqeynta la daba kacaan meesha ay Shacabka Soomaaliyeed isugu soo hareen.
“Shacabka Soomaaliyeed dhib culus ayaa lagu hayaa waxayna mar kasta marti u yihiin duqeyn iyo xasuuq”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in Suuqa Bakaaraha uu yahay mid dhinacyada ishaya u dhaxeeya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Suuqa ay ka adeegtaan Muqaawamada, Dowladda iyo Ciidamada Amisom.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa intaas kaddib jeediyay codsi ku saabsan in duqeynta laga daayo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaanna ay ka daayaan Ciidamada Amisom.
Khasaarihii ka dhashay duqeyntii maanta ayaa waxaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da uga warramay Cali Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg degta ah ee Ambulance-ta. Cali Muuse waxa uu sheegay in duqeyntii saaka loo geystay Suuqa Bakaaraha ay geysatay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 8 ruux oo kale.
Dabayaaqadii bishii September ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii duqeyn ay Ciidamada Amisom u geysteeen Suuqa Bakaaraha ay ku dhinteen dad ku dhow 20 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo isugu jira kuwo Suuqa ku heystay mehrado ganacsi iyo kuwo Suuqa u tegay in ay wax ka soo iibsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya