Madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha

Khamiis, October 15, 2009(HOL):Madaafiic culus ayaa goor dhaweyd lagu garaacay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay madaafiicdan oo la rumeysan yahay in laga tuuray dhinaca Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa ku geeriyooday labo ruux, 6 ruux oo kalena waa ay ku dhawaacmeen.

Xiliga madaafiicdan lagu garaacayay Suuqa Bakaaraha ma jirin wax dagaallo ah oo ka socday magaalada Muqdisho, waxayna madaafiicdan argagax geliyeen dadkii ku ganacsanayay Suuqa Bakaaraha iyo weliba kuwii u tegay in ay wax ka soo iibsadaan.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa in muddo ah saameynayay colaadda u dhaxeysa dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, waxaana inta badan Suuqa la duqeeyaa marka ay dagaallo dhacaan, walow duqeyntan maanta ay timid iyadoo aysan wax dagaallo ah soconin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya