Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Faraxalka Aduunka oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne.


Khamiis, 15, Oct, 2009 (HOL): Munaasabad markii ugu horeysay Magaalada Beledweyne lagu maamuusayay maalinta Faraxalka Aduunka Islamarkaana uu soo qaban qaabiyay Urur Maxali ah oo lagu magacaabo WARDI oo gacan ka helaya Hay'adda UNICEF ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee xaruta u ah Goballka Hiiraan.
 
Musaabada oo lagu qabtay gudaha dugsi laga barto culuunta Caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeybgalay inta badan Ardeyda dugsiga iyo marti sharaf kale oo isugu jiray Odayaal iyo Haweenka Xaafadaha Magaalada oo si weyn ugu faraxsanaa in ka qeybgalaan munasabad noocan oo kale ah.
 
Madaxa Ururka soo qaban qaabiyay Xuska Maalinta Faraxalka Aduunka Eng, Xasaney oo hadal kooban ka jeediyay Musaabada ayaa ku buuriyay ka soo qeyb-galyaasha muhiimada dheeraadka ah ee Faraxalku lee yahay, waxaana uu si gaar ah farta ugu fiiqay habka maanta Soomaalidu u faraxalato oo sida uu sheegay ah hab ka duwan sida dhab ahaan la doonayo in loo faraxasho.
 
Eng. Xasaney waxaa uu intaa ku daray in cudurada dadka ku dhaca intooda badan yihiin kuwo ka yimaada Jermis qofka Afka ka soo gala, isaga oo intaa raaciyay in Jermiskaasina yahay mid soo raaca faraha ama gacamaha qofka hadii aan sidii loo baahnaa loo nadiifin.
 
Intii ay Munaasabadu soctay ayaa waxaa halkaa dhaliyaradii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qeybgashay loogu soo bandhigay habka ugu wanaagsan ee loo faraxasho taasoo ka soo qeybgalayaashu siweyn u xiiseynayeen in ay arkaan.
 
Sikastaba ha ahaatee marka laga soo tago xuska Munaasabada maalinta Faraxalka Aduunka, waxaa xusid mudan in dhaliyaro badan u aheyd fursad ay uga war qabaan muhiimada maalintan oo kale ay u lee dahay Caafimaadka maadaama ay jiraan dad badan oo aan ku baraarugsaneyn in faraxalku ka mid yahay qaabka ugu wanaagsan ee loo ilaaliyo sixada ama Caafimaadka qofka Bani'aadamka ah.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]