Khamiis, October 15, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa ku baaqay in loo gurmado dad badan oo ku dhibaateysan inta u dhaxeysa Muqdisho Afgooye, kuwaasi oo ah dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dadka ku dhaqan inta Muqdisho Muqdisho iyo Afgooye ay dhibaato nololeed la soo deristay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadkaas badankood ay degan yihiin guryo cooshado ah xili ay roobab xooggan da’ayaan.
“Waxaan ugu baaqeynaa dadka wax heysta ee Soomaaliyeed in ay dadkaas u gurmadaan, si ay dadkaas maanta ugu baxsadaan iyagana ay maalinta qiyaamo ugu baxsadaan”ayuu yiir Maxamed Xasan Xaad.
Sidoo kalena, Afhayeenka Maamulka Degmada Afgooye oo hoos-taga Xisbul Islaam Shiikh Cali Shiikh Cumar ayaa isna ugu baaqay Hay’adaha Samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Shiikh Cali Shiikh Cumar waxaa uu sheegay in haddii ay Hay’adaha samafalka doonayaan in ay dadkaas gurmad u fidiyaan uu Ururkooda diyaar u yahay in ay sugaan ammaanka Hay’adaha.
Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa tan iyo sanadkii 2007 waxaa ku barakacayay dad badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo guryahooda uga cararay dagaallo ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya