Khamiis, October 15, 2009(HOL): Degmada Holhol ee Dalka Jibouti ayaa waxaa tababar loogu soo gebagebeeyay Ciidamo Soomaali ah oo in muddo ah uu dalkaas tababar uga socday.
Munaasabadda tababarka waxaa ka qeybgalay madax ka socota Dowladaha Soomaaliya iyo Jibouti, waxaana ciidamada tababarka loo soo gebagebeeyay ay gaarayaan ilaa 613 Askari.
Ciidamadan ayaa waxaa dhawaan loo duulin doonaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gudaha dalka, kuwaasi oo dagaallo kula jira kooxo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Jibouti u diri doontaa cutubyo kale oo hor leh, kuwaasi oo iyana tababar la siin doono. Tababarkan ayaa waxaa bixinaya Ciidamada Dowladda Jibouti iyo kuwo ay Dowladda Faransiiska leedahay oo Jibouti ku sugan.
Dowladda Soomaaliya oo weli dagaal kula jirta kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa horay ciidamo loogu soo tababaray Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Burundi, iyadoo ilaa iyo haatanna la isweydiinayo halkii ay qabteen ciidamadii tababarka soo qaatay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya