Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkadda Bureau Veritas oo baari doonta badeecooyinka Soomaaliya loo iib-geeyo

Khamiis, October 15, 2009(HOL): Laga billaabo 1-da November 2009, badeecad kasta oo Soomaaliya uga imaaneysa dibadda waa in ay haysataa shahaado ay soo siisay sharikadda Bureau Veritas, oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay in ay baarto tayada badeecadaha tegeya Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Cabdi, ayaa BBC u sheegay in heshiiskan oo hadda dhaqan gelaya uu yahay mid uu hore u saxiixay Wasiirka Maaliyadda ee SOomaaliya Shariif Xasan Shiikh Adan.

Sida Wasiirku sheegay, arrintani waxay saameyn doontaa wax kasta oo Soomaaliya uga yimaadaa dekedaha Imaaraadka Carabta, Djibouti, Mombassa, Oman, Yemen, China, India iyo Pakistan.

Ujeeddadu waa in la hubiyo ayuu yiri in aan daawo iyo raashin dhacay ama badeeco aan taya wanaagsanayn la keenin Soomaaliya.

Dalalka Bariga Afrika waxaa dhibaato weyn ay ka haysataa badeecado aan tayadoodu wanaagsaneyn oo soo buux dhaafinaya suuqyadooda.

Badeecadahaasi waxaa ka mid ah dhar, cunto dawooyin iyo alaabo kale oo kala duwan.

Inkasta oo dalalkani ay leeyihiin hay'ado qaabbilsan la socodka tayada alaabada la soo geliyo dalalkooda, haddana waxaa jira xaalad sahlaya in alaabadaasi ay suuqyada yaallaan.

Dalalkan ayaa dhibaatadan awgeed ku waaya malaayiin dollar iyo weliba nolosha dadka oo khatar gasha marka daawooyin aan tayodoodu wanaagsaneyn oo aan ahayn daawadii asalka ahayd ama daawo dhacday ay isticmaalaan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka bariga Africa ee ugu daran ee ay haysato dhibaatada alaabada aan tayadoodu wanaagsanayn.

Soomaaliya malaha Hay'ado dhowra tayada badeecadaha waddanka la soo galiyo.

Waxaa wadanka soo gala daawooyin aan asal ahayn ama dhacay, cunto dhacday iyo alaabooyinka kale ee aan asalka ahayn oo tayadoodu ay aad u yar tahay.

Isha Warka: BBC Somali Service