Dad fara badan oo ka soo barakacay Magaalada Muqdisho oo soo soo gaaraya Magaalada Kismaayo

Sabti, May 23, 2009(HOL):  Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka J/hoose  ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo gaarayay Dad iyagu ka soo barakacay Dagaallada ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
 
Dadkaan ayaa ah kuwa ka soo cararay Dagaallada aan kala go’a lahayn ee labadii todobaad ee ugu danbeeyay ka soconaya Magaalada Caasimadda ah, waxaana ay ku noqotay dadkani niyad jab iyaga oo filayay in ay ka soo kabanayaan dhibaatadii gaartay mudadii labada sano ahayd ee ay dagaalada ka wadeen wadanka Ciidamadii Itoobiya.
 
Dadkaan oo qaarkood laba sano ka hor ay u qaxeen Xeryaha Qaxootiga ee Waqooyi bari ee Wadanka Kenya ayaa dib ugu laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho markii ay maqleen in ay wadanka isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya, isla markaasina Xukuumad Soomaaliyeed lagu soo dhisay Wadanka Jabuuti, taasoo loo arkayay in ay isu keeneyso cid kasta oo kasoo horjeeda, mar labaad ayayna dadkaani u soo barakaceen meel ka baxsan Caasimadda Soomaaliya oo ay deganaayeen.
 
Sidaas darteed ma jirto cid isku dayday in ay wax u qabato dadkaan ay dhibaatadu kasoo gaartay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Wadanka Soomaaliya.
 
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya