Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ku eedeeyay Dowladda Itoobiya in ay Gobollada Dhexe ku hubeyneyso Kooxo sheegta Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca

Sabti, May 23, 2009(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in  Dowladda Itoobiya ay Gobollada dhexe ku hubeyneyso Kooxo la baxay magaca Ahlu Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo sida uu yiri aan ahayn Ahlu Sunnadii saxda ahayd.

Shiikh Daahir oo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku sugan Deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan ay halkaas u joogaan in ay taageeraan kooxo ku sugan Gobollada Dhexe, gaar ahaan Degmada Guriceel oo ay horay dagaallo uga dhaceen.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ku cel celiyay in aan Ahlu Sunna lagu tilmaami karin sida uu u yiri Kooxaha ku sugan Guriceel, wuxuuna tilmaamay in ay yihiin kooxo doonaya in ay ku ciyaaraan magaca Ahlu Sunna Waljamaaca.

“Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah dhamaantood ayaa Ahlu Sunna Wal-jamaaca ah, koox gaar ahna ma sheegan karto”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo intaas ku daray in kooxahaas ay yihiin kuwo si toos ah ugu xiran Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gacanta ku haya Xoogag u daacad ah Ahlu Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo degmooyin ka tirsan Gobolka kula dagaallamay Xoogag u daacad ah Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya