Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay gaartay hadaf ay ka lahayd weerar ay shalay ku qaadday kooxaha ka soo horjeeda

Sabti, May 23, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gaartay ujeeddo ay ka lahayd weerar ay shalay ku qaadday fariisimo ay kooxaha ka soo horjeeda ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay gaarto meelo aysan Ciidamadeeda horay u joogin, wuxuuna caddeeyay inay  Ciidamada Dowladda si tar-tartiib ah ay u sii wadi doonaan howlgallo shalay u bilawday oo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Dowladda waxay tageen meelo ay ku sugnaayeen kooxaha ka soo horjeeda, kuwo kale oo gaaray meelo aan qorshaha ku jirinna dib ayaa loo soo celiyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay bilowday Dowladdiisa mid lagu nabadeynayo Magaalada Muqdisho, isla markaana Magaalada Muqdisho looga saarayo Kooxaha ka soo horjeeda.

“Waxaan ku dadaali doonnaa inta ay howlgalladan socdaan in aan yareyno waxyeello soo gaarta Shacabka Soomaaliyeed, waxaana shacabka ka codsaneynaa in ay garab istaagaan oo ay taageeraan Ciidamada Dowladda”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Haddaba iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu sidaan leeyahay ayaa haddana waxaa meelihii ay kala joogeen ee hareeraha Waddada Wadnaha isku horfadhiya Xoogagga labada dhinac, kuwaasi oo dagaalkii shalay iyo kuwo kale oo horay u dhexmaray aanan ku kala guuleysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya