Sabti, 23, May, 2009 (HOL) Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ka jiray jahawareer la xiriira u jeedada socdaalka Ciidamada Itoobiya ee dhawaan gaaray deegaannka Kala-beyr ee Gobollka Hiiraan iyo wararka sheegaya in Ciidamada ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulkii hore ee Goballka Hiiraan.
Laakiin Guddoomiyihii degmada Beledweyne Maamulkii Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xiriir uu la soo sameeyay warbaahinta Goballka Hiiraan waxaa uu ku sheegay in wax xiriir ah aysan laheyn iyaga iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannka Kala-beyr.
Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garooso) waxaa uu ku macneeyay soo galitaanka Goballka Hiiraan ee Ciidamada Itoobiya mid uun ku siman in Dowladda Itoobiya ay ilaaliso xadka ay la wadaagto Goballka.
''Annaga qorshaheenu waa mid gaar ah kumana xirna Ciidamada Itoobiya dhawaan ayaana gaari doonaan Magaalada Beledweyne, waase jiraan daruufo wali iska jir jira meelaha qaar ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aadan Garooso oo ka gaabsaday haddii uu jiro wax xiriira ah oo kala dhaxeeya garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda.
Inkastoo Aadan Garooso uu sheegay in aysan xiriira laheyn iyaga iyo Ciidamada Itoobiya ee jooga deegaannka Kala-beyr ayaa haddana dhinaca kale waxaa ay dad goob joogayaal ah xaqiijinayaan in ay jiraan Ciidamo ka tirsan Maamulkii hore ee Goballka Hiiraan kuwaas oo ku wehliya Ciidamada Itoobiya socdaalkooda.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
AADAN CABDI CIISE GARAASO: “Dhawaan ayaan gaari doonnaa Magaalada Beledweyne”
More News
- Dagaal iyo duqeyn galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dad fara badan oo ka soo barakacay Magaalada Muqdisho oo soo soo gaaraya Magaalada Kismaayo
- Midowga Afrika oo taageeray go’aankii IGAD ee ahaa in la xayiro Dekedaha ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay gaartay hadaf ay ka lahayd weerar ay shalay ku qaadday kooxaha ka soo horjeeda
- Xaaladda Magaalada Muqdisho oo saaka degan
- WASIIRKA CADAALADDA SOOMAALIYA: “Dadka u barakacay Ceelasha Biyaha waxaa la yiraahdaa ma waxaa tahay Qaxootigii C/llaahi Yuusuf mise Qaxootiga Xasan Daahir”
- Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ku eedeeyay Dowladda Itoobiya in ay Gobollada Dhexe ku hubeyneyso Kooxo sheegta Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca
- Kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho oo markii labaad guul kala hoyatay ciyaar ay la yeelatay dhigeeda Dekedda Jabuuti