WASIIRKA CADAALADDA SOOMAALIYA: “Dadka u barakacay Ceelasha Biyaha waxaa la yiraahdaa ma waxaa tahay Qaxootigii C/llaahi Yuusuf mise Qaxootiga Xasan Daahir”

Sabti, May 23, 2009(HOL): Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka hadal-heynta todobaadka ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrika ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka u barakaca Muqdisho duleedyadeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha la weydiiyo marka ay halkaas gaaraan  su’aal ah  cidda soo barakicisay.

“Dadka u barakaca Duleedyada Muqdisho, gaar ahaan Ceelasha Biyaha waxaa la yiraahdaan ma waxaad tihiin qaxootigii C/llaahi Yuusuf Mise qaxootigii Xasan Daahir, taasina waxay muujineysaa sawir gaar ah”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo sheegay in dagaallada iyo barakaca ka socda Soomaaliya ay dad gaar ah ka dambeeyaan.

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii ay dadkii Muqdisho ka barakacay ay guryahooda ugu soo noqon lahaayeen hayeeshee ay taasi ka soo horjeedaan dad sida uu yiri ujeeddooyin gaar ah leh.

“Dowladda Soomaaliya markii la soo dhisay waxay ku baaqday wada hadal ay la gasho kooxaha ka soo horjeeda, laakin waxaad mooddaa in ay jiraan dad aanan wada hadal iyo nabad wax ku dooneyne raba in ay dagaal iyo qoriga caaraddiisa wax ku noqdaan”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay weli ugu baaqayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha ay tabanayaan, wuxuuna caddeeyay in wax wada hadal lagu gaari waayay aan lagu gaareynin xabad iyo dagaal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya