Sabti, May 23, 2009(HOL): Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kaddib dagaal xooggan oo shalay ka dhacay, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Xaafado ay dagaallo ka dhaceen oo ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo ay shalay ka dhaceen dagaallada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa deganaan, waxaana dib u bilowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee Waddada Wadnaha.
Inkastoo ay deganaantaas jirto, haddana waxaa degmoyinkii dagaallada ka dhaceen laga dareemayaa barakac aad u ballaaran, kaasi oo ay sameynayaan dadkii shalay ku go’doomay meelaha ay dagaallada ka dhaceen, waxaana saaka la arkayay dad isugu jira Haween, Carruur iyo Waayeel, kuwaasi oo lagala cararayay goobaha dagaalka.
Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhimashada dad ka badan 300 ruux iyo dhaawac 100 ruux kor u dhaafaya, iyadoo dadkaasina ay isugu jireen dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.
Si kastaba dagaalladan ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo ka waxyeello badan kuwii u dhaxeeyay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Xoogaggii Muqaawamada ee labada sano ka socday Soomaaliya ayaa waxay si weyn u niyad jebiyeen dadka Soomaaliyeed oo filayay in haddii ay Ciidamadii Itoobiyaanka baxeen ay nabad iyo xasilooni u bixi doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya