Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in uusan meesha ka saari doonin ciidamo uu u diro Soomaaliya

Sabti, May 16, 2009(HOL):“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meesha kama saarin fikradda ah in ciidamo UN-ka ka socda oo nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay ergay sare oo UN-ka ka tirsan kaddib wada hadallo Addis Ababa ku dhexmaray Saraakiil UN-ka iyo AU ka kala socday.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa horay ula soo baxay diidmo ku saabsan in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, laakin dagaallo ka dhacay Muqdisho maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxay u muuqdaan kuwo culeys ku saaraya maskaxda diblumaasiyiinta in ay arrintaas dhacdo.

“Su’aasha ah Ciidamo ka socda UN-ka ma loo dirayaa Soomaaliya ayaa waxay saaran tahay miiska” Safiirka Britain ee Qaramada Midoobay John Sawers ayaa sidaas wariyayaal ugu sheegay Magaalada Addis Ababa. John Sawers waxaa uu hoggaamin doonaa socdaal ay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku tegi doonaan Dalalka Rwanda, Congo iyo Liberia.

In ka badan 100 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaallo todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, halka 30,000 oo ruux oo kalena lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Safiirka Uganda u fadhiya Qaramada Midoobay Ruhakaa Rugunda ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay khatar ku noqon karaan guud ahaan gobolka.

“Dhibaatada dagaalyahannada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya waxay u baahan tahay in hadda wax laga qabto, haddii kale waxay abuuri doontaa dhibaato ku timaada wadamada kale”ayuu yiri Ruhakana Rugunda.

Safiirka Ugunda u fadhiya Qaramada Midoobay Epiphanie Kabushemeye-Ntamwana ayaa sheegay in wadankeeda uu rajeynayo in Ciidamo ka socda UNka loo diri doono Soomaaliya. Dowladda Burundi waxaa dalka Soomaaliya ka jooga labo battalion, kuwaasi oo ilaalo u ah Dowladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay dagaallo ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna taageeray Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay warar sheegaya in Dowladad Eritrea ay hubeyneyso Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya