
Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim
Sabti, May 16, 2009(HOL): Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan Shiikh C/ramaan Ibaraahim Macow ayaa maanta ka badbaaday weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo la doonayay in lagu qaarajiyo.
Guddoomiyaha ayaa xiliga weerarka lagu qaaday waxaa la socday qaar ka mid ah Ilaaladiisa mana jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray Guddoomiyaha iyo Ilaaladii la socotayba weerarka lagu qaaday inkastoo uu ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah oo ka ag-dhawaa halka qaraxu ka dhacay.
Laakiin Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan waxaa ay markiiba gacanta ku dhigeen Ninkii weerarka qaaday oo intii ay ku raad joogeen mar kale adeegsaday Bam u muuqday mid uu isaga reebayay Ciidamada, waxaana daqiiqado kadib toogasho ku dilay Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka.
Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow oo dhinaca kale ka hadlayay dagaallada ka dhacaya qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan ayaa sheegay in Goballka Hiiraan ay weerar ku hayaan kooxo sida uu hadalka u dhigay Diin sheeganaya laakiin haddana banneystay dhiiga dadka Islaamka ah, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Maamulku xoogga saarayaan sidii u dafaaci lahaayeen Nabad-galyada dadka ay Mas'uulka ka yihiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]