Sabti, May 16, 2009(HOL): Dabka oo burburiyay qeybo badan oo ka mid ahaa dhisamha Hotelka ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 kale oo saddex ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay.Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa muwaadin soomaaliyeed oo magaciisa la oran jiray Cabdullaahi Muumin Macoow oo ku magac dheeraa (SANDHUUB).
C/qaadir Muuse oo ka mid ahaa dadka hotelka daganaa ayaa HOL u sheegay in waqtiga uu dabku kacayay ay hurdayeen qol aad ugu dhawaa qolka uu jiifay marxuun Sandhuub hase ahaatee ay ku kaceen qiiq faro badan iyo uumi kulul oo albaabka uga soo galay iyagoo kadibna bilaabay in ay daaqadaha ka boodaan.
C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in ilaa lix ruux oo Soomaali ah ay daganaayeen shan ruux oo uu isagu ku jiro ay meel wada jiifeen markii uu dabka kacayna ay dhamaantood daaqadaha iyo balakoonada ka wada boodeen.
Todobada ruux ee dhaawacantay ayaa waxa ka mid ah wiil soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariin oo isagoo jabinaya daaqad ay ka boodi lahaayeen dhaawac kasoo gaaray muraayadihii daaqada.
Wali lama oga sababta kicisay dabka, hase ahaatee hotelka ayaa waxa uu ku yaallaa goob ay ku hareereeysan yihiin kalaabyada qamriga sida weyn loogu cabo oo dadka seexda hotelka ay u badan yihiin dad sarqaansan. Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan sababta keentay dabka.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Afrika