Ould Abdallah oo sheegay in uu ololeynayo in liiska argagixisada laga saaro Shakhsiyaad Soomaali ah

Sabti, May 16, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sheegay inuu u ololeynayo sidii liiska argagixisada looga saari lahaa shakhsiyaadka Soomaalida ah ee liiskaas ku jira, gaar ahaan kuwa ka dagaallamaya Soomaaliya.

Ould Abdallah waxaa uu sheegay in uu u ololeyn doono in Shakhsiyaad Soomaali ah laga saaro liis uu Mareykanka soo saaray oo lagu qoro dadka argagixisada ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kuwa liiskaas laga saarayo ay yihiin kuwa maskaxda furan ee doonaya in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in cid kasta oo ka tanaasusha qaska iyo fowdada isla markaana liiskaas ku jirta ay ku caawin doonaan sidii looga saari lahaa.

Laakin Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in aaney suurtagal ahayn in Shakhsiyaad Soomaali ah oo ku qoran Liis Argagixiso ah oo UN-ka soo saaray laga saaro, wuxuuna tilmaamay in Liiska uu UN-ka soo saaray uusan la mid ahayn midka Mareykanka.

Dadka ku jira Liiska Argagixisada ayuu sheegay Ould Abdallah in aaney suurtagal u noqon doonin in ay Madaxweyne ama Ra'iisal Wasaare ka noqdaan Soomaaliya, sidoo kalena ay si xor ah ugu socdaalaan dibadaha.

Hadalka uu sii daayay Ould Abdallah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Mareykanka iyo Midowga Afrika ay sheegeen in dagaalyahanno ajnabi ah oo xiriir la leh Al-qaacidda ay ku sugan  yihiin Soomaaliya, isla markaana ay dagaal kala soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya