Sabti, 16, 2009 (HOL) Bam dhawaaqiisa gil gilay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan kuwaas oo xiligaas ku sugnaa Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.
Weerarka oo uu ku dhintay qof rayid ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Ciidamo ka tirsan kuwa weerarka lagu qaaday, waxaana intaas kadib xigay rasaas culus oo ay ridayeen Ciidamada Maamulka taas oo qalqal iyo cabsiba ku abuurtay dadka Magaalada oo maanka ku hayay dagaallada ka soconaya qeybo ka mid ah Goballka.
Taliye Ku-xigeenka Sadhiga Baliiska Magaalada Beledweyne Shiikh Ibraahim Yuusuf oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay jiraan dad loo soo xirxiray weerarka kuwaas oo Maxkamad la horkeeni doono, isagoo dhinaca kala eedda dusha uga tuuray kooxaha ka soo horjeeda Maamulka Goballka oo ah mid taabacsan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaannka Maxaas ee Goballka Hiiraan ayaa sheegay in uu jiro Abaabul dagaal oo ay wadaan dhincyadii maalintii shalay dagaalku dhaxmaray, halka sidoo kale deegaannka Wabxo ee Goballka Galgaduud wararku sheegayaan in uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo isku haya gacan ku heyta deegaannka Wabxo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa isha lagu wada hayaa ugu danbenytii halka ay saldhigato colaadda sii xoogeysaneysa ee jirta Goballka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Goballka Galgaduud oo ay ku loolamayaan dhinacyo kala taabacsan Xoogagga isku haya Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Bam xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan
More News
- Tartan kubada Cagta ah oo loogu magac daray (Koobka Wanka) oo ka dhacay Magaalada Beledweyne
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in uusan meesha ka saari doonin ciidamo uu u diro Soomaaliya
- Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan oo ka badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo
- Ould Abdallah oo sheegay in uu ololeynayo in liiska argagixisada laga saaro Shakhsiyaad Soomaali ah
- Mareykanka oo walaac ka muujiyay in dagaalyahanno Caalami ah ay ka dagaallamayaan Soomaaliya
- Dawaladda Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad sameysa Maraakiibta dagaalka iyo doomaha dheereeya
- Dab ka kacay Hotel ku yaala bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika