Mareykanka oo walaac ka muujiyay in dagaalyahanno Caalami ah ay ka dagaallamayaan Soomaaliya

Sabti, May 16, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa si weyn walaac uga muujisay warar sheegaya in Dowladda Eritrea ay hubeyneyso wax ay ugu yeerto islaamiyiinta mayalka adag ee ku sugan Somaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay intaas ku dartay in warar ay ka heshay ilo sir-doon ah ay u sheegeen in hubka ay Eritrea u dirtay Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu af-gembinayo Dowladda Soomaaliya.

Sarkaal Maamulka Madaxweyne Obama u qaabilsan arrimaha Afrika oo lagu magacaabo Jonnie Carson ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in dagaalyahanno shisheeye ah oo Soomaaliya ku sugan ay xiriir la yeelan karaan Al-Qaacidda.

"Waxaan si aad ah uga wel welsannahay warbixinnada sheegaya in dagaallada ka socda Soomaaliya ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga ka soo horjeeda ay ku jiraan shakhsiyaad ka yimid Koofurta Aasiya iyo Chechnya"ayuu yiri Jonnie Carson.

"Tani waa xaalad aan loo dulqaadan karin, waxayna ka tarjumeysaa sida ay khatar u tahay Xaaladda Dalka Soomaaliya"ayuu hadalkiisa ku sii daray Sarkaalkan u hadlay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Waaxda qaabilsan Amuuraha Afrika.

Hadalka ay sii deysay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Shiikh Cali Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsan Gobollada uu sheegay in dagaallyahanno aan Soomaaliya u dhalan oo ku sugan Soomaaliya aan lagu tilmaami karin ajnabi, wuxuuna sheegay in ay la joogaan mujaahidiin muslimiin ah oo abaal u galay dadka Soomaaliyeed xiligii buu yiri ay hoggaamiye kooxeedyada ka talinayeen Soomaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya