Arbaco, March 04, 2009(HOL): Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal labo beelood oo walaalo ah ku dhexmaray meel u dhaw degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dhul-daaqsin ah oo ay isku qabsadeen labadaasi beelood, taasi oo markii danbe kaliftay in ay is faro-saaraan.
Dadkii ku dhaawacay dagaalkaasi labada beelood dhax maray ayaa la soo gaarsiiyay Isbitalka magaalada Boosaaso, waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen in qaar ka mid ah dhaawacyada ay aad u liitaan.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo ka mid ah wafdi halkaasi u tagay dhax dhaaxaadinta labada beelood oo aan galabta khadka taloofoonka kula xiriiyay ayaa sheegay in xaaladdu iminka ay dagan tahay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Bari in odayaasha labada beelood ka soo kala jeedaan lagu qanciyay in xabadda la joojiyo si loo dhaxdhaxaadiyo,waxaana uu sheegay in arintaasi lagu guulaystay.
Ma ahan markii ugu horraysay oo uu dagaal caynkaan oo kale ah dhax maro beelaha wada daga tuulooyinka gobolka Bari, balse waa dagaalkii ugu waxyeellada badnaa muddo iminka laga joogo dhawr sano.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
6 Ruux oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay degmada Ufayn iyo Maamulka Gobolka Bari oo halkaasi gaaray
Cabirka Farta
More News
- Midowga Yurub oo Qoraal ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland
- Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir
- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in uu soo bandhigayo qorshaha ay ku shaqeyneyso Wasaaraddiisa
- Caruur u dhimatay Caano sumeysan oo ay ku cabeen duleedka Magaalada Beledweyne
- Ciidamada Jarmalka ee ku sugan xeebaha SOomaaliya oo 9 burcad Badeed ah ka qabtay Xeebaha Soomaaliya
- Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee G/Hiiraan oo sheegay in la dhameystiray Waaxihii Garsoorka ee Maamulka Islaamiga ah ee Goballka