Burcad Badeed gacmaha cirka u taagaya-Sawirkan waxaa qaaday Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay
Arbaco, March 04, 2009(HOL): Ciidamada Jamalka ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay 9 Burcad Badeed ah ka qabteen Xeebaha Soomaaliya, iyadoo xiliga ay qabanayeen Burcadda Badda ay doonayeen in ay qafaashaan markab marayay xeebaha gacanta cadmeed.
Saraakiil mileteri oo u hadlay Dowladda Jarmalka ayaa waxay ka sheegeen magaalada Berlin ee dalka Jarmalka in Ciidamada Jarmalka ay howlgalka bilaabeen kadib markii uu soo gaaray wicitaan uga yimid markabka ay Burcad Badeedka doonayeen in ay qafaashaan.
Ciidamada Jarmalka ee soo qabtay kooxaha burcad badeedka ah ayaa waxay saarnaayeen Markab dagaal oo uu Jarmalka leeyahay kaasi oo lagu magacaabo Rheinland-Pfalz, isla markaana ka mid ah Maraakiibta Caalamka ka socda ee ilaalada u jooga Xeebaha Soomaaliya.
Kooxaha Burcad Badeedka ayaa markii ay arkeen Markabka dagaal ee Jarmalka waxay isku dayeen in ay la dagaallamaan iyagoo adeegsanayay qori gacmeedyo iyo qoriga RPG ee ay Soomaalida u taqaano Baasuukaha, hayeeshee taasi uma suurtagelin, gacanta ayaana lagu dhigay.
Sagaalka Burcad Badeedka ah ee ay Ciidamada Jarmalka qabteen ayaa waxaa haatan su’aalo lagu weydiinayaa dusha Markabka Rheinland-Pfalz, iyadoo la weydiinayo cidda ay yihiin iyo shaqada ay hayeen.
In ka badan 100 Markab ayaa sanadkii la soo dhaafay oo kaliya lagu weeraray gacanka cadmeed oo ay haatan ilaaliyaan Maraakiib dagaal oo ka socda Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo ay ku jiraan Shiinaha iyo Hindia.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay maxaabiis Burcad Badeed ah ku wareejiyeen Maamulka Puntland, iyadoo ka soo horna ay jireen Burcad Badeed Soomaali ah oo ay ku jireen Dowladda Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia